U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi oo Goobjoog ka ahaa Kulan ay Guddiga Maamullada iyo Amniga Golaha Shacabka Warbixin uga Dhageysteen Guddoomiye Madaale

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta goobjoog ka ahaa kulan ajendahiisu ahaa; Wadashaqeynta Hey’addaha Amniga iyo guddiga amniga iyo Arrimaha bulshada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka

Qorshaha amniga Gobolka Banaadir kaas oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho M.ne .Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu warbixin siinayay Guddiga Arrimaha Gudaha Maamulada Goboladda Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS.

Kulanaka waxaa shir Guddoomiyey ku-simaha Guddoomiyaha ahana Guddoomiye ku –xigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey )iyo Xoghayaha Guddiga Xilldhibaan. Maxamed Ibrahim Xasan (Diyeeshe ).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho M.ne .Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Guddiga warbixin Guud ka siiyey amniga caasimada iyo wax ka qabashada Ciyaal weerada iyo mukhaadaraadka xubnaha Guddiga ayaa mid mid ubogaadiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo shaqada adag uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed .

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gudiga ayaa ugu mahadceliyey Guoomiyaha gobolka Iyo wasiirkuba in ay muhim tahay wada shaqeynta , islaxisaabtanka iyo kor- joogteynta ka Guddi ahaan, arrintaan ayaa kusoo aadaysa xilli malinimadii shalay golohu ka dooday kiiska gabar la dilay.