U bood dhigaalka

Guddoomiye Madale oo Kulan Soo Dhoweyn ah Muqdisho Ugu Culumo Ka Kala Timid Bariga Afrika

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan soo dhoweyn Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Culuma’udiin Soomaaliyeed oo isaga kala yimid wadamada Bariga Afrika, kuwaasi oo bulshada gaarsiiya Faafinta Diinta Islaamka.


Culumadan oo Magaalada Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hoggaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga.

Iyagoona munaasabadda ka jeediyay khudbado isugu jirtay mahadcelin iyo guubaabo.
Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ganaraal Sulub Axmed Firin ayaa ku amaanay Culuma-udiinka Soomaaliyeed sida ay had iyo jeer ummada ugu nasteexeeyan Dacwada Diinta Islaamka, waxaana uu tilmaamay in Soomaalidu waligeed aheyd dad siweyn u qadariya culumaaudiinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka qeybgalay casha sharafata ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay tiir adag u yihiin bulshada iyo faafinta Diinta Islaamka, waxaana uu xusay in ay qaban doonaan kulamo diimeeyo dhici doona dhowaan Muqdisho.