U bood dhigaalka

Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida oo Mid ka tirsanaa Shabaab ku Ridday Xukun 10 sano

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) ku ridday 10 sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha Alshabaab isaga oo u qaabilsanaaa qeybta dhuumaalaysata iyo kooxda basaasiinta.


Maxamed ayaa Al-shabaab kaga biiray degmada Jili bee gobolka Jubbada hoose sanadii 2013 , Maxamed iyo labo kale oo asxaabtiisa ah ayaa ka baxsaday waalidkood dugsi diidnimo tuulada Gorgoreey ee hoos tagta degmada Saakow ee Jubbada Hoose sida xeer ilaalintu xustay.

Maxamed ayaa la sheegay inuu tababar ku soo qaatay Mucaskarka Abu-zubayr oo ku yaal inta u dhaxayso Jilib iyo Bu’aale tababar socday Sadax bilood waxaana lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan iyo ku dagaalkiisa sida lagu cadeeyay eedeymaha.


Tababarro kale duwan kadib uu qaatay waxa loo daabulay gobalka gaar ahaan Wabxo iyo Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud, Waxa u qeyb ka ahaa 2 jid gal oo lagu sameeyay Ciidanka Ethopia inta udhaxeesa Wabxo iyo Ceelbuur, Waxbo iyo Maxaas.

Sanadii 2018 ayaa loo soo wareejiyay qeybta Basaasida Muqdisha isgoo gabaad ka dhigtay guri uu abtigiis leeyahay kuna yaal Xaafada Saybiyaano degmada Hodan, waxa uuna ka shaqa bilaabay Baqaar lagu iibiyo Mooska oo kuyaaal suuqa Bakaaraha si uu gabaad uga dhigto.


Waxa u jaajuusay Askar iyo dad shacab ahaa oo qaraabo ahaayeen isaga oo xogtooda u gudbiyay horjoogihisii oo joogay Jubada dhexe. Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo qabtay Maxamed Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab Sadax iyo labaatankii bishii November sandii 2023.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Qaadista kiiskan Sadax iyo Tobankii bishii January, Garsoorka Maxakamda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbayn maanta ku xukuntay Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) 10 sano oo xabsi ciidan ah.


Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada oo maxkamadda fadhigeeda soo xiray, eek u saabsan eedda Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) oo lagu ridday 10 sano.