U bood dhigaalka

Nin Ku Eedeysnaa Xaaskiisa uu Gubay oo ay Gacanta ku dhigeen Ciidamada Amniga

Iskaashi dhexmaray ciidamada amniga qeybahooda kala duwan ayaa suurtogeliyay in gacanta lagu soo dhigo Siid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda, waxaana mudadaas kadib uu ahaa baxsad marka la eego.

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha oo la sheegay inuu ka baxsaday caasimadda waxaana ugu dambeyn laga sooqabtay deegaanka Caad oo hoostaga Koonfurta gobolka Mudug xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay, arrintaan ayaa waxa baahiyay laamaha amniga.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya Nisa ayaa howlanaa ku howlanaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedeysane Baxsad Sayid-Cali Macalin Daa’uud, kaas oo 26 Jan 2024 Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku gubay Xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi una geeriyootay gubashadii.

Ciidanka ayaa sidoo kale eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado ayaa qabashadooda waxaa ka qeybqaatay Boliiska, Nisa, Difaaca Shacabka ee Degmooyinka Cadaado iyo Wisil. Howlgalka waxaa ku soo biiray kuwa Ilaalda Madaxtooyada Galmudug.
Eedeysanayaashaan ayaa gacan ku siiyay eedeysanaha 1-aad inuu ku dhuumaalysato dhul balaaran ee isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Halkaas, oo ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo xili uu ku sugnaa deegaanka Cadayleey.

Eedeysanayaasha kala ah Ingriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud (Caluuke), ayaa laga soo qabatay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug xili ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.