U bood dhigaalka

Ciyaariyahan Ka Tirsanaa Kooxda Galmudug oo Geeriyooday, Isagoo Dhuusamareeb Lagu Aasayo

Sheeko:Caafimaadka

Alle ha ha u naxriisto Muxudiin Cabdi ( Diinow) oo ka tirsanaa ciyaartooyda xulka Galmudug ayaa ku geeriyooday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowladda Galmudug, xilli halkaas ay safar ku mareyso kooxda Galmudug.

Muxudiin waxa uu ahaa daafac bidix oo ciyaarihii ugu horreeyay oo dhan u safnaa xulka Galmudug ayaa waxaa kusoo booday xanuun, kaas oo sababay inuu kulamadii dambe uusan kooxdoosa u safan ciyaariyanka.

Waxa uu sidoo kale qayb ka ahaa ciyaartooydii u safartay magaalada Dhuusamareeb isaga oo xanuun soo wajahay awgeed markii isbitaalka laga dhigay u geeriyooday, waxaana geeridiisa siweyn ay u taabatay ciyaartooyda.

Xulka Galmudug oo safar ku tegi lahaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka baaqday sababa la xariira geeridda saaxiibkood Muxudiin Diinoow iyo ka qaybgalka aaskiisa awgeed oo ka dhacaya Dhuusamareeb.