U bood dhigaalka

Camaara: Qoys ay ku Jiraan Hooyo iyo Aabo Ku Geeriyooday Hoobiyeyaal Lagu Garaacay Deegaanka.

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Camaara ee Koonfurta Mudug ayaa sheegaya in habeenimadii xalay tiro Hoobiyeyaal ah ay ku dhqceen deegaanka kuwaas oo dhaliyay khasaare naf iyo maal leh.

Inta la xaqiijiyay reer isku qoys ahaa oo Hoobiyuhu ku dhacay ayaa waxaa ku geeryooday hooyadii iyo aabihii qoyska halka uu dhaawac soo gaaray wiil yar oo ay dhaleen marka la eego.

Hooyada geeriyootay ayaa lagu magacaabaa Mamada dheeho yuusuf cabdulahi, halka Abahana lagu sheegay Axmed Cabdulahi Sheekh Xuseen, madaafii da ayaa deegaanka ku dhacday xilli inta badan dadka ay hurdeen, ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa wada baaritaanno ay lagu baadi goobayo kooxdii weerarka soo qaaday.

Marka laga soo tago khasaaraha soo gaaray qoyska waxaa kale jira burburka tiro guryo ah, kuwaas oo ay ku dhaceen madaafiic haboow ah, sida lagu helayo wararka ka imaanaya deegaanka ee ku aadan arrintaasi, isgaarsiinta deegaanka ayaa ah mid liidata taas oo hoos u dhigtay in la ogaado khasaaraha dhab ah ee jira.

Magaalada Camaara ee Koonfur gobolka ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidan ka tirsan xooggga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidanka deegaanka, kadib muddo sanado ah oo Al-Shabaab, waxaana ciidanku ay howlgallo ka wadaan tuulooyinka hoosyimaada magaalada.