U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ku Jirta Wadahadallo Ciidamadii Badali Lahaa ATMIS

Sheeko:War

Dowladda Soomalaiya ayaa sheegtay in ciidanka howlgalka nabad ilalainta Midowga Afrika ee ATMIS ay badali doonaan ciidamo kale, kuwaas oo ku sugnaan doona xarumaha muhiimka ah ee heerarka kala duwan dowladda, xilli qorshuhu yahay in ciidanka midowga Afrika ay guud ahaan ka baxaan Soomaaliya December 2024.

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Xeseen Sheekh Cali oo ku sugan New York ayaa wareysi uu siiyahay laanta VOA-da ku sheegay in ay jiri doonaan ciimado badali doona ATMIS oo kaabaya xoogga dalka, kuwaas oo laga fekerayo magaca loo bixin lahaa iyo cidda ay hoos tagayaan. .

“ATMIS magaceedii iyo howlaheedii waa lasoo gabagabeynaayaa, waxaa hari doona oo jiri doona ciidamo Muti-national ah oo iney African yihiin aan 100% aanan hubin, laakiin ay u badan tahay in ay Afrikan yihiin oo nabar aad u kooban ah oo loogu talo galo xarumaha waaweyn ee magaalooyinka caasimadaha dowlad goboleedyada iyo caasimadda dalka ah ay qaab waardiye ah ay u joogaan” ayuu yiri Lataliyaha.

Lataliyaha ayaa Meesha ka saaray in ciidankaan ay galayaan howlgallo waxaa kaliya uu sheegay in ay shaqadoodu tahay ilaalinta xarumahaas inta laga diyaarinayo ciidamadii badali lahaa, waxaana socda dhismaha iyo tababarista ciidanka daraawiishta dowlad goboleedyada iyo kuwa booliisyada gaarka ah.

Ciidanka howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ayaa ku sugnaa Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007 waxaana ay soo mareen marxalado kale duwan, iyagoo hadda maraya marxaladdii 3-aad oo bilaaban sanadka soo aadan, ATIMIS ayaa hadda wareejiyay xarumo dhowr ah oo xoogga dalka lagu wareejiyay
Ciidamada xoogga qeybahooda kale duwan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku socday kordhin si mustaqbalka soo aadan ay ay ammaanka dalka ay ula wareegaan, waxaana arrintaan ay kusoo aadi xilli ciidamada Midowga Afrika ay bilaabeen in dalka ay isaga baxaan, kuwaas oo muddo ku sugnaa dalka.