U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Banaadir oo Shaaciyay in Baaritaanno Lagu Hayo Dhacdadii Suuqa Siinaay

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Macallin Cumar Muumin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay xireen ciidamo loo haysto in ay rasaas ku fureen Dad ku dibadbaxayay Suuqa Siinaay ee degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.


Taliyaha ayaa sheegay inaan marnaba la aqbali Karin dhibaatada shacabka loo geysto, waxaana uu tilmamay in cadaaladda la horgeyn doono dadkii dhibaatada geystay, dhacadadaan ayaa waxaa ka dhashay geerida wiil dhallinyaro ah iyo sidoo kale dhaawaca laba ruux oo xabbaddu ay haleeshay.


“Cid weliba ee xabbad ka ridday Dadkii bannaanbaxayay ee cabashada muujinayay waala xiray, Kiiskaas Baaris ayaa loo diray, haddii alle idmo waxa aan rajayneynaa in Garsoorka iyo Maxkamaddu ku dhammaato” sida ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi oo ka hadlay warbaahinta kadib dhacdada Siinaay.

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa diginin u diray Dadka dibadbaxyada dhiga ee xirta waddooyinka ama dhaawaca u gaysta laamiga waxaana uu sheegay in aanay marnaba la aqbali doonin falalkaas maadaama jidka oo la xiro ay ka dhalanayso xayiraad iyo dhibaato soo gaarta Bulshada.

Hadalka Taliye Macallin Mahadi ayaa kusoo aadaya xilli ciidamo ka tirsan dowladda ay dad shacab ah oo dhigayay bannaanbax cabasho ah ay ka dhigeen suuqa Siinaay rasaas lagu furay ay ka dhasheen khasaare kale duwan, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal ruux halka tiro kale ay dhaawacyo soo gaareen.