U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraad oo Deeq Gargaar ah Ku Wareejisay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka (SODMA)

Hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA, ayaa maanta munaasabadd Kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan Cade waxa ay dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay Shixnad gargaar ah oo ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka, taas oo loogu talo galay dadka danyarta ah bisha Ramadaan.

Shixnadaan gargaar ayaa waxaa waday mid kamid ah diyaaradaha xamuulka qaada ee dowladda Imaaraadka Carabta, waxana uu ku soo aaday xilli Bisha Barakaysan ee Ramadaan fooda inagu soo hayso, Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa waxaa ku nool qoysas badan oo u bahaan gargaar bisha gudaheed.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda maareynta musiibooyinka Dr Axmed Cabdi Aadan oo ay wehliyaan Agaasimayaal ka tirsan SoDMA, ayaa shixnadaan kala wareegay Masuuliyiin ka socday Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, kuwaas oo ku sugnaa goobta munaasabadda ee Garoonka Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ayaa  ballanqaaday in mucaawinadan ay gaarsiin donaan shacabka Soomaaliyeed ee danta yar iyo kuwa barakacyaasha ah madaama haatan laguda galayo bisha Ramadaan, waxaana jira in qoysas badan oo barakacayaal ah ay daadsan yihiin gudaha iyo duleedka magaalada caasimadda ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowr jeer sidaan oo kale gargaarro kale duwan waxaa ay usoo gaarsiisay Soomaaliya xilligii lagu gudajiray dadadka EL-Nino shacab badan oo u baahnaa gargaar ayaa kaga faaiideystay markaas oo helay gargaar xilligii loo baahnaa inta badan gobollada dalka uu ku dhuftay.