U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Dhagaxdhigay Waddo Cusub oo Garoonka Loo Marayo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Waddada Laamiga cusub ee Dalxoreeye, taasi oo isku xireysa Laamiga 21 October ee Degmada Waaberi iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaana dhexmarta Wadada hada loo yaqaano Jaay-ga.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doonno dhismooyinka kusoo xad-gudbay wadadaaan, maadaama dhismaha wadadaan loo qorsheeyay in ay noqoto mid labo dhinac ah, iyadoona muhiim u ah isku socodka iyo isku xirka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Magaalada inteeda kale.

Munaasabadda Dhagax-dhiga waddadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Injineero iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.