U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Ka Socday Wasaaradda Difaaca Turkiga oo Kulan La Qaatay Wasiirka Diica

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda aan walaalaha nahay ee Türkiye oo isugu jira saraakiil Ciidan iyo kuwo Madani ah.

Kulanka ayaa looga hadlay fulinta Heshiiskii taariikhiga ahaa ee Difaaca iyo Dhaqaalaha ee laba dal ay mar dhow ku kala sixiixdeen magaalada Ankara, waxaana diiradda lagu saaray sidii looga wadashaqeyn lahaa difaaca.

Dhanka kale kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta tababar iyo qalabeyn Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed( GorGor) iyo xoojinta howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta dalkeena iyo diinteena ku soo duushey.