U bood dhigaalka

Qoraaga Buugga Hariwaa oo Qarashka Caafimaadkiisa uu Ballanqaaday Guddoomiyaha Madaale

Sheeko:Caafimaadka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigaayay Buuga la magac baxay HADHIWAA ee uu qoray Maxamed Muuse Jaamac (Maxamed Haldoor).

Ugu horeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa boogaadiyay dadaalka iyo juhdiga uu buugaan geliyay Maxamed Haldoor, si uu usoo bandhigo Halgankiisa iyo Hayaankiisa Nololeed, waxa uuna xusay inuu dhiiragelin u yahay dadka baahiyaha gaarka qaba.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka-faala qaaday qarashaadka ku baxaya caafimaadka Qoraaga Buugaan Maxamed Muuse Jaamac (Haldoor) oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba.

Maxamed Muuse Jaamac (Haldoor) oo ah qoraaga buugga Hariwaa ayaa waxaa haleelay xanuun naafo ka dhigay jirkiisa isaga oo yar, waxaana Buugga uu qpray uu kaga hadlay dadaalkii dheeraa ee nolosha uu lasoo maray inta uu socday isaga oo dhowr meel lagu soo bandhigay.

Munaasabadda buugga ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan dowladda iyadoo mid walba uu muujiyay sida uu ula dareemayo xaaladda u uku jiro, waxaana la filayaa inuu ka ambabaxo caasimadda uu aado caafimaad dalka dibaddiisa ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ah shakhsi ka turjuma mas’uuliyadda caasimadda waxaana muuqata inuu hore sidaan oo kale dhowr qof uu caafimaadkooda u balanqaaday 2023-2024.