U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii Lagu Qaaday Caasimadda Moscow

Sheeko:Caalamka

Dowladda Federalka Soomalaiya ayaa cambaareysay weerarkii lagu caaday caasimadda Ruushka ee Moscow, kaas oo sababay geerida 60 ruux, halka 145 kale ay soo gaareen dhaawacyo kale duwan.

Qoraal lasoo dhigay barta Madaxtooyada Soomaaliya ee Mareegta X ee horay loo oran jiray Twitter waxaa lagu cambaareeyay weerarkaas oo ka dhacay goob Shineemo aheyd  oo rasaas lala dhacay.

“Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku dhintay, qoysaskii iyo dhammaan dadkii ku dhintay masiibadan naxdinta leh” ayaa lagu yiri

Weerarka ka dhacay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan Mareykanka uu digniino u diray sirdoonka Ruushka oo ku aadan weerarro dhici kara.