U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Ka Laabtay Amar Hore Uga Soo Saaray Gaadiidka Xamuulka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay Dekkada weyn ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu shir kula qaatay Hey’addaha kala gedisan ee ka howlgala Dekkada Muqdisho.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir iyo Maamulka Dekkada Muqdisho ayaa loogu hadlay caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo noq noqday oo ay geystaan Gawaarida Xamuulka ee rarka kasoo qaata Dekkada Muqdisho.

Shirka inta uu socday ayaa la isla gartay in la sameeyo guddi kasoo shaqeeya is-waafajinta Shaqooyinka ka socda Dekkada Muqdisho, Waqtiga Dekkada ay kasoo bixi karaan isla markaana ay geli karaan Gawaarida waaweyn ee xamuulka ah iyo waqti ay Gawaarida Xamuulka mari karaan wadooyinka Caasimadda si loo bad-baadiyo Nafta iyo Maalka Muwaadinka.

Guddigaan ayaa shaqeyn doonna inta ka harsan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyadoona waqtigaasi kadib lasoo saari doonno hanaanka maareynta wado marista Gawaarida waaweyn ee Xamuulka iyo Waqtiga ay Gawaarida Xamuulka geli karaan, kana soo bixi karaan Dekkada Muqdisho.