U bood dhigaalka

Wadahadallada Xamaas iyo Israel oo Siisocda iyo Rajo Laga Muujinayo Xabadjoojin Qaza Ka Dhaqangasha

Sheeko:Caalamka

Xamaas iyo Israel ayaa isku dayaya gaaritaanka heshiis xabadjoojin ah, waxaana muuqata markaan in ay Israel muujisay rabitaankeeda ku aadan gaaritaanka heshiis nabadeed oo hosteedi kara in howlgallada ay joojiyaan ciidanka ay ka wadaan Gaza, Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa gadaal ka riixaya hishiiskaan.

Heshiiska labada dhinac ayaa horseedaya in lasiidaayo maxaabiista ay kala hestaan iyo gabi ahaan israel ay ciidankeeda ay kala baxdo goobaha ay dadka shacabka ah ay degan yihiin, dagaalka oo socda muddo ku dhow lix bilood ayaa galaaftay nolosha kumannaan Falastiiniyiin ah, halka inta kale macluul ay wajahayaan.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii oggolaaday in masuuliyiinta uu u xilsaaray wadahadalada lala gelayo Xamaas, inay dib ugu noqdaan wadaxaajoodyada socda, arrintan oo ku soo aaday , maalin uun ka dib markii Israa’iil lagu amray inay si degdeg u fasaxdo gargaarka Baniiaadannimo.

Netanyahu waxaa heysta cadaadis xooggan oo uga imaanaya gudaha Israel, gaar ahaan qoysaska dadka lagu heysto marinka Qaza, kuwaas oo dalbanaya in markale ay dib ulamidoobaan dadka ka maqan ee u gacan galay Xamaas, waxaana la arkaa inuu ku guuldareystay inuu xal  helo sidii loosiideyn lahaa dadkaas.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay inuu la hadlay ergada u qaabilsan wadahadallada uuna ku amray in ay dib ugu laabtaan goobta looga wadahadlayo gaaritaanka xabadjoojin ka daqangasha marinka Qaza, dowladaha Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa isku howlaya sidii loo gaari lahaa heshii kamadambeyn ah.

Dagaalka Gaza oo socda ku dhowaad lix bilood ayaa geystay khasaare dhimasho iyo mid hantiyadeed oo aad u baahsan, waxaana inta badan 70% dumay Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaza, in ka badan 36,000 Falastiiniyiin ah ayaa ku geeriyooday weerarka Israel ay ku qaaday marinka magaalada Qaza.