U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowladda Sweden Ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa xarunta Wasaaradda Maaliyadda Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Mudane Joachim Waern.

Wasiirka Maaliyadda XFS Md. Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka arrimo ay ka mid yihiin, qorshaha cusub ee dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud iyo hagaajinta xiriirada dhaqaalaha.

Dowladda Sweden waxa ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah saaxiibka ula ah Dowladda Soomaaliya, waxa ayna qeyb ka tahay Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ay ka fuliyaan Saaxiibada Caalamka.