U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir oo Afur Mahadnaq ah u Sameeyay Xildhibaannada Labada Aqal

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Munaasabad Afur MAHADNAQ ah ugu sameeyay xubnaha Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku guuleystay Ansixinta 4-ta Cutub ee ugu horeeya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa halkaasi ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin shacabka caasimaddu qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna sheegay in bulshada Gobolka Banaadir ay ka rajaynayaan Xildhibaannada Labada Aqal Ansixinta Maqaamka iyo Matalaada Caasimadda.