U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Kormeer Ku Tagay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Xilli Habeen ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa kormeer shaqo ku tagay Suuqa ugu weyn ee dalka Soomaaliya (Suuqa Bakaaraha) si uu ugu kuur-galo isbadalka dhinaca Amniga iyo dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada Habeenkii.

Kormeerkaan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen Maamulka Degmada Howlwadaag, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay Suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka Amni iyo kobaca Ganacsi ee ka jira Suuqa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka iyo Ganacsatada in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si loo xoojiyo Amniga Caasimadda.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah ugu dukaameysanaya Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada kale ee Magaalada Muqdisho xilliyada Habeenkii maadaama lagu jiro 10-kii ugu danbeeyay ee Bisha Ramadaan, iyadoona la isku diyaarinaayo u diyaar garowga Maalmaha Ciida.