U bood dhigaalka

Degmada Kaxda oo Caawa Marigelisay Afur Wadareed ay Ka Qeybgaleen Madaxda Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si wadajir ah ugu qeyb-galay Munaasabad Afur ah oo lagu qabtay Xarunta Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in muddo gaaban gudaheeda horumar kala duwan laga sameeyey Degmada Kaxda. Waxa uu xusay dhibaatooyinka ay daroogga ku hayso bulshada, gaar ahaan da’yartii Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah looga hortago dhibaatada uu maandooriyuhu ku hayo bulshada.

Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Saraakiisha Amniga, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.