U bood dhigaalka

M๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ฎ๐ญ๐ข๐ฌ๐ฆ๐ค๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š oo Laga Xusay Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin Ka Qeybgashay

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga qaybgalay xuska maalinta Autismka adduunka oo ay soo qaban qaabisay xarunta baahiyaha gaarka ah ee Mustaqbal.

Wasiirka ayaa xusay muhiimada ay leedahay in il gooni ah lagu hayo caruurta xaaladdan ay lasoo gudboonaato isla markaana ay helaan daryeelka lagama maarmaanka ah si loola tacaalo xaaladdooda isagoo sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhaw ula socon doonto daryeelka caruurta ay xaalada Autismka lasoo daristo, kana shaqayn doono sidii siyaasad looga yeelan lahaa caruurta Autismka qaba.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay xarunta Mustaqbal oo isu taagtay la tacaalida xaaladda caruurta Autismka wajahaysa isagoo dhiirigaliyay in la helo xarumo kale oo bixiya adeegga Caafimaad ay u baahanyihiin.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.