U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Deeq Lacageed oo Ciidsiin ah u Qeybiyay Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba iyo Qaxootiga Suuriya iyo Yeman iyo Falastiin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid siin ah u qeybiyay qaar ka mid Dadka Baahiyaha Gaarka qaba, Haweenka waayeelka ah, Agoonta, Dadka Nugul iyo Muwaadiniinta u dhashay dalalka Syria, Yemen iyo Falastiin ee kunool Magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan Ciid-siinta (Deeqda Lacageed) oo sanadkii labaad uu bixinaayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa loogu tala-galay in dadkaan Nugul ay ugu qeyb qaataan farxada Ciidul Fidriga.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka illaahey wax siiyay in ay kaalin ka qaataan garab istaagan dadka Nugul, kuwa baahiyaha gaarka qaba iyo walaalaha u dhashay dalalka Syria, Yemen iyo Falastiin ee kunool Caasimadda Muqdisho.