U bood dhigaalka

Hey’adda WFP oo Lix Bilood Kadib Gargaar Gaarsiisay Daarfuur iyo Macluul Baahsan oo Gobolka Ka Jirta

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dagaalka ka socda Sudaan uu halis ugu jiro in uu abuuro dhibaatadii ugu darnayd ee macaluul ah, waxaana xaaladdii ugu adkeyd ay ka taagan tahay gobolka Daarfuur oo goob ay colaadaha iyo abaaruhu diloodeen.

Hey’addu waxay haatan sheegaysaa inay ugu dambayn ku guulaysatay in ay cunto gargaar ah oo baahi weyn loo qabay ay geyso gobolka Daarfuur, taasoo noqonaysa gargaarkii ugu horreeyey ee halkaas la geeyo muddo lix bilood ah, gargaarkaan ayaa baahi loo qabay.

Gobolka ayaa  illaa iyo hadda waxaa gaaray  laba kolonyo oo gaadiid ahi in ay ka soo tallaabeen dhinaca xadka dalka Chad oo ay soo gaadheen gobolka Darfur dabayaaqadii todobaadkii hore, kuwaas oo siday cunto gargaar ah oo loogu talo galay illaa rubuc milyan qof

WFP ayaa sheegtay in hawsha gargaarka lagu gaadhsiinayo Darfun, in dib loo dhigayey muddo dheer, hase ahaatee ugu dambayn la fasaxay, ka dib wada-xaajood dheer oo lala galay dhinacyada ay khusayso, waxaana wali muuqan inuusan jirin xal lagu joojinayo dagaalka.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Sudan, muddo haatan sannad laga joogo, waxaa Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ku barakaceen in ka badan 8.5 million oo qof, taas oo 6.5 million oo ka mid ahi ay ku sugan yihiin gudaha dalkaas.

WFP ayaa sheegtay in 18 million oo qof inay haatan qarka u saaran yihiin macaluul, halka 90% ay ku sugan yihiin goobo ay adag tahay in la gaadho, marka loo eego colaadaha iyo dagaallada xilligaan ka taagan Daarfuur oo ah gobol aad ay u halakeeyeen colaado iyo abaaro.