U bood dhigaalka

Lubnaan: Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Xisbullah oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Koonfurta Dalkaasi

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay Isniintii inay fuliyeen duqayn dhinaca cirka ah oo ka dhacday Koonfurta Lubnaan, waxayna intaas ku dareen, inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xisbullah oo weerar ku haya waqooyiga Israel muddooyinkii dambe.

Israa’iil ayaa ku eedaysay sarkaalka ay dileen oo ay ku magcaabeen Cali Axmed Xassin, inuu ka tirsanaa ciidamada lagu magcaabo Radwan, isaga oo weeraro kala duwan ka fuliyey woqooyiga Israa’iil, tan iyo markii qarxay dagaalka magaalada Gaza ka socda.

Ururka Xisbullah ayaa dhankooda shaaciyey dhimashada mid ka mida saraakiishooda oo isla magacan wata, hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan may bixin, marka laga reebo iney sheegeen iney aargi doonaan sarkaalka saree e ku baxay weerarka dhacay.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weerar ku dilay laba qof oo kale oo shacab ah, waxaana manta lagu wadaa afurka kadib inuu hadlo hoggaamiyaha ururka Sheekh Xasan Nasrullah, waxaana jirta in siweyn loo sugayo waxa uu ka dhihi doono tallaabada Israel.

Weerarada dhinaca xuduuda ee u dhexeeya Ciidamada Israa’iil iyo Xisbullah ayaa soo noqnoqonayey tan iyo lixdii bilood ee ugu dambeeyey ee uu socday dagaalka Qaza, Xisbullah ayaa si cad u sheegtay in Israel ay la dagaalamayaan tan iyo inta ay ka baxayaan Gaza.