Madaxweyne Xasan Sheekh oo Masaajidka Isbaheyusiga Kula Tukaday Shacabka Muqdisho
Sheeko:Madaxweynaha 10-aad
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howlwadeennnada dowladda.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo ku howlan xaqiijinta amniga dalka iyo ciribtirka Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa ku baraarujiyey dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan taakuleynta dadka danyarta ah, isaga oo Alle ka baryey in uu dalkeenna ka yeelo nabad iyo barwaaqo xilli uu hadlayay salaadda kadib oo la tukaday shacabka iyo mas’uuliyiin.