U bood dhigaalka

Weerar Toorey Loo Adeegsaday oo Ka Dhacay Australia iyo Booliiska oo Qabtay Dambiilaha

Sheeko:Caalamka

Booliiska dalka Australia ayaa sheegay in weerarka mindida ah lagu qaaday kaniisad ku taal magaalada Sidni (Sydney), kaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro hoggaamiyaha kiniisaddu.

Dhacdadan oo ay laamaha nabad-galyada falka argagixisonimo ku tilmaameen ayaa waxaa lagu qaaday kaniisadda ashuria, waxaana ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaareen 4 qof oo ku sugnaa gudaha kaniisadda.

Weerarkan kaniisadda lagu beegsaday waxaa fuliyay nin 16 jir oo uu mindi ku hubaysnaa, kaasoo uu baaritaan ku socdo sida ay boolisku sheegeen, weerarka ayaa si gaar ah ka dhacay kaniisada Christ The Good Shepherd

Weerarada lagu qaado goobaha cibaadada ayaan ugub ku ahayn dalkaasi Australia, waxaana hore loo beegsaday macbadyo badan oo ay masaajiddo ku jiraan, waxaa ku dhaawacmay Baadari Mar Mari Emmanuel iyo wadaad. Labaduba waxa la filayaa inay badbaadaan.

Dalka Australia ayaa maalmahaan waxaa ka dhacayay falalka nuucaan oo kale ah, waxaana ugu dambeeyay weerar lagu qaaday suuq ku yaallo caasimadda oo lagu dilay lix oo ah dadkii ka dukaameysanayay suuqaasi.