U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga oo Sheegtay Iney Hub Ka Iibin Doonin Israel Kadib Weerarkii Iran

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inaan dalkiisu hub ka iibin doonin, islamarkaana aanu oggolaan doonin in wax qalab ah laga iibiyo Israa’iil, kadib weerarkii lagu qaaday Israel ee Iran kaga yimid

khudbad uu ka jeediyay shir ay golihiisa wasiiradu ku yeesheen magaalada Ankara, ayuu madaxweyne Erdogan ku yiri: “Dowladdeena waxaa lagu soo oogay eedeymo aan cadaalad ahayn, gaar ahaan dhoofinta shidaalka duulimaadka ee Israel.”

Wuxuu intaa ku daray “Turkigu waxa uu sii xoojinayaa gargaarka uu siinayo dadka reer qasa isagoo u diray markabkii 9-aad ee samafalka ah kaasoo wada 3,774 tan oo isugu jirta cunto iyo agab lagu caawinayo Falastiiniyiinta dhiban xilligaan adag.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in gobolka ay xiisado cusubi ka curan doonaan aan la joojin caddaalad darrada iyo xasuuqa ka socda marinka qasa,wuxuuna tilmaamay in u xaglinta iyo taageerada joogtada ah ee ay dalalka reer galbeedku xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israel la garab taaganyihiini aysan cidna faa’iido u lahayn.”

Dalka Turkiga ayaa si joogto ah u cambaareeya dagaalka qasa iyo xasuuqa ay Israa’iil ku hayso dadka reer falastiin, wuxuuna dhowr gargaar u diray marinka qasa.