U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Cunaqabateyn Kusoo Rogaya Iran, Kadib Weerarkii Israel Lagu Qaaday

Sheeko:Caalamka

Midowga yurub ayaa ku dhawaaqay inay wadaan qorshe cusub oo ay dalka Iiraan ku saarayaan cuna-qabataynno hor leh, taasoo falcelin u ah weerarkii 13-kii bishan ay ku qaadday Israa’iil, kaas oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Cuna-qabatayntan ayaa si gaar ah loogu beegsan doonnaa shirkadaha diyaaraha iyo gantaallada sameeya ee ku yaalla jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan, arrintaan ayaa cadaadis xooggan ku keeni karta hormarinteeda dhinaca Milatariga Iran.

Madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel ayaa ka sheegay gebagebadii shir madaxeedka golaha oo ka dhacay magaalada Brussels, ayna ka qaybgaleen madaxda 27-ka waddan ee xubnaha ka ah ururka midowga yurub in cuna-qabatayntan cusubi ay falcelin u tahay weerarkii gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isugu jiray ee ay tehraan ku qaaday maamulkaIsraa’iil.

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan go’aansannay inaan cunaqabatayn ku soo rogno Iiraan, taasoo ah farriin cad oo aan u dirnayno Iiraan kaddib markii ay si aan horay loo arag weerar ugu ekeysay gudaha Israa’iil.”

Waxa uu intaa ku daray in cuna-qabatayntu ay cuuryaamin doonto shirkadaha doorka ku leh samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha.

War murtiyeedkii ay ka soo saareen gunaanadka shir madaxeedkooda ayay goluhu ugu baaqeen Dhammaan dhinacyada xiisadda bariga dhexe ku lugta lihi inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo kordhinaysa xiisadda gobolka.”

Iiraan ayaa 13-kii bishan boqolaal gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeratay maamulka Israa’iil, Iyada oo sheegtay inay ka jawaabayso weerar gantaalo ah oo lala beegsaday qunsuliyaddeeda magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya horaantii bishan April.