U bood dhigaalka

Shirka Daadajinta Amniga Caasimadda oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Maamulka oo Ka Hadlay

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa faah faahin ka bixiyay shirka daadajinta Amniga Caasimadda ee ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Yabooh ayaa gebagebada shir ay ka qeyb-galeen wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taliyaha booliska Soomaaliyeed, taliyaha ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaran,taliyaasha booliska degmooyinka, iyo masuuliyiinta kale in dardargelinta Amniga guud ee dalka iyo midka caasimadduba uu aad u soo hagaagayo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in caasimaddu ay dalka ugu jirto halka maduxu qofka nool ugu jiro mid lamida, islamarkaana loo baahanyahay in amnigeed aad loo xoojiyo, waqti badan la galiyo.

Wuxuu intaa ku daray in isku xirka bulshada iyo laamaha ammaanku ay muhiimad weyn leedahay, si loo soo qabto kooxaha nabadda carqaladda ku ah ee degmooyinka ku dhuumaalaysanaya.

Amniga magaalada muqsisho ayaa bilihii dambe soo hagaagayay, waxaanan yaraaday qaraxyadii iyo falalkii kale ammaan darida ahaa ee ka dhici jiray.