U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga oo Kulan La Qaatay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay sidii looga wada-shaqeyn lahaa dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Argagixisada, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee labada dhinac,.

Sidoo kale waxay isla meel dhigeen inay si joogto ah u kala warqaadan doonaan hey’adaha amniga Soomaaliya iyo Ciidamada ATMIS, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan kooxaha xagjirka ah.

General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya loo nabadayn lahaa, islamarkaana looga guulaysan lahaa kooxda Al-shabaab.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan xilka loo magacaabay wasiir fartaag, islamarkaana laga sugayo waxqabad wax ku ool ah oo amniga dalka la xariira, xilli dowladda ay qorsheynayso dagaal lagu qaado Al-shabaab.