U bood dhigaalka

Laba Diyaaradood oo Nuuca Dagaalka ah oo Ku Burburay Badweynta Baasifiga

Sheeko:Caalamka

Laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Japan, ayna saarnaayeen 8 kamid ah shaqaalaha markab dagaal oo ay japan leedahay ayaa ku burburay badweynta Baasifiga xili ay ku jireen tababar.

Diyaaradaha oo ka soo duulay markab taagnaa meel qiyaastii 270 kiiloomitir bari ka xigta jasiiradda Torishima ayaa xariirkooda la waayay Daqiiqado ka dibna markii ay duulimaadka billaabeen.

Shilkan hal qof ayaa ku dhintay,todoba kalena weli waa la la’yahay sida uu sheegay wasiirka gaashaandhiga dalkaasi japan,waxaana howl-gal ballaaran oo dadkaa lagu baadigoobayo ayaana socda sida ay sheegtay dowladdu.