Shirka Hormarinta Magaalooyinka Bariga Afrika oo Ka Dhacay Kenya iyo Gobolka Banaadir oo Ka Qeybgalay
Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ugu qeyb galay Madasha Magaalooyinka Bariga Afrika oo ay ku midaysan yihiin Dawladdaha Hoose ee Soomaaliya, Uganda, Burundi, Congo, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Rwanda.
Madasha ayaa looga hadlay Dardargelinta Iskaashiga Dawladaha Hoose ee Wadamada Bariga Afrika, Daadajinta Adeegyada guud illaa iyo heer Dawlad Hoose, Daadajinta Awoodaha, Khayradka, Dhaqaalaha iyo in Talooyinka shacabka ay qeyb ka noqdaan talooyinka lagu horumarinaayo Dawladdaha Hoose ee Bariga Africa.
Shirkaan oo socday 21 – 25 April, ayaa waxaa sidoo kale Dawladda Hoose ee Muqdisho ugu qeyb-galay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan iyo xubno kale, iyadoona gaba-gabada Madashaan laga soo saaray War-Murtiyeed ujeedkiisu ahaa Iskaashi iyo in si wadajir loo xaliyo caqabadaha heysta Dawladdaha Hoose ee Bariga Africa, isla markaana ay iska taageeraan dhinacyada tababarada iyo aqoon is weydaarsiga.
Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa Madashaan ka mid noqotay kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).