U bood dhigaalka

Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka oo Ka Qeybgalay Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Wadamada Afrika

Sheeko:Caafimaadka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xildh. Dr. Maxamed Xassan Maxamed Bulaale ayaa ka qayb galay shirka wada-tashiga wasiirada Caafimaadka Wadamada Afrika oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka waxa ka uu sheegay in Qaaradda afrika waxa yaabaha mudnaanta u ah in ay tahay in sare loo qaado awoodena wax soo saarka daawada iyo qalabka caafimaadka taasna waxa lagu gaari karaa in aan sare uqaadno cilmi baarista, isdhaafsiga aqoonta tiknoolojiga iyo in la xoojiyo saadka iyo nidaam shuruuc oo aas aas u ah taas aan ku gaari karno isku filnaansho iyo in si siman loo helo qalabka daawada iyo wax soo saarka adeega caafimaadka.

Wadamada xubnaha ka ah Midowga afriga ayaa u diyaargarowo doodaha laga yeelanayo arrimaha caafimaadka ee wax ka badalka Shuruucda Caalamiga ah ee Caafimaadka iyo doodaha aragtida horumarinta adeega caafimaadka ee shirka caalamiga ah ee caafimaadka kaas oo bilaha soo socda ka dhacidoono Geneva.