U bood dhigaalka

Dhallinyaro Nadaafad Isxilqaan ah Ka Fulisa Xeebaha Muqdisho oo Guddoomiye Madaale uu Qaabilay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada sida isxilqaanka ah uga shaqeeyo Nadaafada guud ee xeebaha Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa dhallinyarada uga mahadceliyay shaqada wanaagsan oo ay caasimadda ka hayaan, asagoona xusay in muwaadin waliba uu waajib ka saaran yahay in kaalintiisa ka qaato bad-baadinta deegaanka iyo horumarka Magaalada.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Safiir Kuxigeenka Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Ciraaq, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Nadaafada iyo marti sharaf kale.

Waxaa boqolaal dhallinyaro ah oo iskood isugu xilqaamay hagaajinta bilicda magaalooyinka dalka iyo bedqabka deegaanka, kuwaas oo mudan la garab istaago, laguna dhiirigeliyo howsha muhiimka ah ee ay hayaan.