U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Kaalinta Labaad Ka Gashay Dalalka ay Ku Nool Yihiin Haweenka Ugu Dhalmada Badan Caalamka

Warbixin cusub oo ay saartay xarunta World of Statistics ayaa looga hadlay qiimeyn lagu sameeyay heerka dhalmada ee dalalka caalamka. Warbixinta waxa ay muujisay sida dalal badan dadkooda ay usii yaraanayaan sababo la xariira dhalmo yarida halka ay sii kordhayaan dalalka caalamka qaarkood dadka kunool.

Inkastoo warbixinta ay muujisay in wali dunida hoos dhac uu ka jiro heerka dhalmada oo sanadwalba hoos ay usii socoto haddana qaaradda Afrika ayaa sameynaysa kor u kac heerka dhalmada ah taasoo sii kordhisay dadka kunool dalalka qaarada.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay kaalinta labaad ka gashay Wadamada ay ku nool yihiin Haweenka ugu dhalmada badan Caalamka waxaana heerka dhalmada ee Sanadkan lagu sheegay 6.3 taasi oo muujineysa in ay kordheyso tirada dadka Soomaaliyeed.

Dalka Niger ayaa sanadkaan si aan la fileyn uga soo muuqday kaalinta koowaad, wuxuu meesha ka saaray dalal badan oo laba jibaar ka badnaan jiray dhanka dadka.

Wadamada horumaray ayaa ah kuwa ugu hooseeya heerka dhalmada halka Wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Africa ay yihiin kuwa ugu dhalmada badan Caalamka.

Dalka ugu dhalmada hooseeya caalamka ayaa sanadkaan waxaa uu noqday dalka Koonfurta Kuuriya.

Soomaaliya oo heerka dowladnimadeena ku jiro mid soo kabasho ah ma jirto cid wali warbixin sax ah kasoo saartay heerka tirada dadka Soomaaliyeed burburkii ka dib.

Warbixinada ay soo saarto xarunta World of Statistics ayaa lagu saleeya sida aan kasoo xigay boggeeda heerka dadka tagga xarumaha caafimaadka.