U bood dhigaalka

Cudurka Jadeecada oo Ka Dilaacay Nigeria, Xilli Ku Dhawaad 100 Qof ay u Geeriyoodeen

Sheeko:Caafimaadka

Ugu yaraan 100 qof ayaa u dhintay jadeeco ka dillaacday wax yar toddobaad gudihiis gobolka waqooyi-bari ee Nigeria ee Adamawa, xilligaan dalka intiisa badan ay ka da’ayaan roobab xilliga gu’ga oo sababy xanuunka.

Guddoomiyaha caafimaadka ee gobolka Felix Tangwami ayaa sheegay in cudurka jadeecada uu inta badan saameeyay laba degmo oo ku dhawaad 500 oo xaaladood oo looga shakisan yahay laga aqoonsaday.

“Tallaallada jadeecada ayaa lagu sii daayay aagaggaas, kooxaheenna goobta ku suganna waxay xakameynayaan xaaladda,” ayuu ku yiri shir jaraa’id.

Jadeecadu waa fayras aad u faafa oo hawadu qaado oo inta badan ku dhaca carruurta ka yar shanta sano.

Calaamadihiisa ugu horreeya waxaa ka mid ah qandho sare, qufac iyo diif. Waxa kale oo ay inta badan keentaa finan iyo kuuskuus jidhka bukaanka oo dhan.

Nabadgelyo darro baahsan oo ka jirta gobollo badan oo woqooyiga Nigeria ah ayaa inta badan lagu eedeeyaa carqaladaynta ololaha tallaalka.

Tan iyo markii kooxda hubaysan ee Boko Haram ay bilaabeen inay weeraro ka fuliyaan Nigeria 2009, in ka badan laba milyan oo qof ayaa ka barakacay guryahooda, taasoo keentay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.