U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Muqdisho Ka Daahfuray Ololaha Qaliinka Caruurta Wadne Duleelka Ku Dhasha

Sheeko:Caafimaadka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray ollolaha qaliimada iyo ka daweynta carruurta cudurrada daloolada wadnaha, kaasi oo ay dhibaato badan ku hayo dhallaan badan oo Soomaaliyeed oo la nool xanuunka Duleedka.

Mashruucaan oo qeyb ka ah Qorshaha Samafal oo ay fuliso Hey’adda Madaale Foundation ayaa loogu tala galay in ay ka faa’ideystaan tobonaan caruur ah oo ku dhashay xanuunkaas ,Waxeyna hey’adda horey u fulisay Indho Fiiqis loo sameeyay boqolaal bukaan ah oo la il daranaa xanuunka indhaha u baahi qabay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay ololahani, wuxuuna sheegay in adeeggan caafimaad oo markii hore dibedda loo aadi jiray, islamarkaana ay dad badani awoodi la’aayeen, hadda dalka la keeno oo ay danyartu ka faa’iidaysan doonaan, sida uu sheegay guddoomiye gobolka ooh adlay.

Dhanka kale Isbitaalka Redsea iyo hay’adaha samafalka ayuu uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen hirgelinta mashruucan, isagoo xusay inaanay aqoonta iyo takasuska cudurkan la xariiraahi hore dalka uga jirin, laakiin hadda uu soo gaaray laguna wado in looga faaiideeyo caruur badan oo xanuunka la ildarn.

Guddoomiye Madaale oo hadal kooban jeediyay wuxuu dadka ladan ee Illaahay wax siiyay ugu baaqay inay danyarta kaalmeeyaan oo ay ka gacanta siiyaan waxyaabaha ay baahida weyn u qabaan haddana ay awoodi la’yihiin, arrintaan ayaa bulshadu siweyn u soo dhoweysay in lasoo kordhiyo qaliinka nuucaan ah.

Hormarka caafimaadka iyo adeegyada kale ee dalka ayaa si xawli ah ku socda, iyadoo ay muuqato dib u soo kabasho baxaad leh oo maalin maalinta ka dambeysa lagu tillaabsanayo, laakiin waxaad moodaa in ay maqan tahay kalaintii wasaaradda caafimaadka ay ku laheyd hormarinta arrimaha caafimaadka dalka.