U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo Daaweynaysa Gorgor Ka Dhaawacmay Mid Kamid ah Garbihiisa

Bartamaha iyo bariga qaaradda Afrika waxaa ku nool qaar kamida xayawaannada la rumaysanyahay inay dunida ka sii dabar-go’ayaan,waxaana muuqda baraarug xooggan oo lagu daryeelayo xayawaanadaas.

Simon Thomsett oo kamida dadka xannaanaynta haadda isku xilqaamay, ahna maamulaha xarunta Soysambu ee dalka ayaa wuxuu ka soo muuqday warbaahinta asagoo faashad casaan ah garabka ugu xiraya “bateleur” dhaawacmay oo ah gorgor ka yimid saxaraha Afrika ee Savanah loo yaqaanno, halkaas oo shimbiraha ku nool qaarkood laga cabsi qabo inay dabar go’aan.

Thomsett ayaa isagoo kor u qaadaya baalasha madow ee shimbirta asagoo dhaawaca soo gaaray eegaya, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay halista ay xayawaanadani wajahayaan.

“Waxay ku dhaawacantay beerta qaranka ee Maasai Mara, laakiin ma garanayno sababta,” ayuu yiri simon Thomsett oo ah 62-jir caafimaadka xoolaha bartay ee maamula xarunta Soysambu Raptor ee bartamaha Kenya.

Gorgorka oo 18 bilood jir ah, oo leh af cas iyo jir madow, ayaa la keenay hoyga hadda lagu hayo shan bilood ka hor, halkaas oo ilaa 30 kale oo haadda raptor-ka ah oo soo dhaawacmay lagu baxnaaninayo.

Daraasad ay bishii January daabacday hay’adda The Peregrine Fund oo ah hay’ad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in tirada dadka raptor-ka ah ay hoos u dhacday boqolkiiba 90 qaaradda 40-kii sano ee la soo dhaafay.

Todobaadkan bartamihiisii ayay ahayd markii ay Soomaaliland sheegtay inay ka murugaysantahay haad garab ka jabay oo ay Jabuuti u qaaday, balse dhex ku dhintay.