U bood dhigaalka

Dhaqtar Caan Ahaa iyo Wiilkiisa oo Dhaqtar Kale ah oo Duqeyn Lagu Dilay

Dhakhtarkii qalliinka carruurta iyo wiil uu dhalay ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday Deir el-Balah.

Wakaalada wararka ee Wafa ayaa ku warameysa in dhaqtarka qalliinka caruurta ee Muhammad Nimr Qazaat oo 72 jir ah iyo wiilkiisa Youssef oo 33 jir ah oo ahaa dhaqtarka ilkaha ay ka mid ahaayeen dhowr falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israel xalay fulisay.

Aabaha iyo wiilka ayaa ku sugnaa Deir el-Balah ka dib markii ay ka carareen guryahoodii magaalada Gaza horaantii dagaalka.

Qazaat wuxuu ahaa “mid ka mid ah aasaasayaashii qalliinka carruurta ee Marinka Gaza”, dhakhtarka lafaha Dr Fadel Naim ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

Dhaqtarkaan iyo wiilkiisa ayaa ahaa kuwo si weyn looga yaqaanay Marinka Qasa. waxa uu qaliimo ku sameyn jiray carruurta kusoo dhaawacmata dagaalka socda.

Maamulka Yahahuuda ayaa lagu eedeeyay in ay si weyn u xasuuqayaan dadka muhiimka ah ee bulshada Falastiiniyiinta