U bood dhigaalka

Shirka Tamarta Adduunka oo Maanta Ka Furmaya Faransiiska iyo Ajamdaha Looga Hadalayo

Shir-madaxeedka tamarta dunida oo la doonayo in lagu dhimo malaayiin carruur ah oo ku dhinta adduunka oo dhan, gaar ahaan Afrika ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Paris, waxaana ujeeddadiisu tahay in la ururiyo balaayiin doollar si loogu maalgeliyo ballaarinta helitaanka hababka cunto karinta ee nadiifka ah.

Wakiilo ka kala socda 50 dal ayaa ku kulmi doona caasimadda Faransiiska Talaadada maanta ah si ay uga wada hadlaan sidii balaayiin qof looga caawin lahaa hagaajinta hab-dhaqanka kushiinka, kuwaas oo soo saari kara wasakh dilaa ah, sidoo kalena sii hurin kara kulaylka adduunka.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta adduunka ee (IEA), oo hormuud ka ah shirka, 2.3 bilyan oo qof oo ku kala nool 128 dal ayaa qiiqa dabka waxyeello kala kulma marka ay wax ku karsadaan meelaha furan ama bannaanada.

Warbixin ay dhawaan hay’addu la samaysay Bangiga Horumarinta Afrika (ADB) ayay ku sheegtay in dhaqamada cunto karintu ay sababaan dhimashada 3.7 milyan oo qof sannad kasta, carruurta iyo haweenkana ayaana ugu horreeya dadka u nugul halistaas.

Daraasadaha la sameeyay ayaa sheegaya in saddex meelood meel dadka dunida ka mid ihi ay wax ku karsadaan shidaal iyo walax kale oo marka la gubo soo saaro uuro waxyeello leh oo ay ka mid yihiin qoryaha, dhuxusha, saxarada xoolaha iyo xaabada beeraha.

Walxahan ayaa wasakheeya hawada , iyagoo wata qaybo yaryar oo gala sambabada oo sababa dhibaatooyin badan oo xagga neefsiga iyo xididdada dhiigga ah, oo ay ku jiraan kansar iyo istaroog.

Dhaqankan cunto karinta ayaa ah sababta saddexaad ee ugu badan ee dhimashada degdega ah ee adduunka iyo tan labaad ee ugu sarreysa Afrika, ayadoo carruurtuna ay ka qaadi karaan oof wareenka.