U bood dhigaalka

Hey’adda Tayo-dhowrka oo Dekadda Muqdisho Ku Qabatay Bur Qoyan oo Soo Degay

Tayo-dhowrka Qaranka ayaa dekadda Muqdisho ku qabatay Bur qoyan oo gaaraya dhowr kunteenar, kaas oo la doonayey in loo iib geeyo suuqyada magaalada Muqdisho, halisna ku ah nolosha iyo deegaanka.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu Hay’adda Tayo-dhowrka Qaranka ayaa kordhisay baaritaannada joogtada ee Dekedaha, Garoomada iyo bar-xuduudeedyada dalka, iyada oo hubineysa badeecadaha kala duwan ee dalka soo gala si bulshada looga bad baadiyo cudurrada halista ah ee laga qaado badeecadaha taariikh ahaan dhacsan iyo kuwa tayadooda ay hooseyso.


Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalku waxaa Soomaaliya si sharci-darro ah loo keeni jiray waxyaabo dhacay ama tayadoodu aanay wanaagsanayn, balse hadda waxaa muuqanaya feejignaan maamul iyo isla xisaabtan.