U bood dhigaalka

Koox Hubeysan oo Weerar Ku Qaaday Booliiska Faransiiska iyo Khasare Ka Dhashay

Rag hubaysan ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari boolis oo marayay waqooyiga Faransiiska si ay ugala degaan maxbuus uu siday, waxaanay dileen laba ka mid ah ilaalada xabsiga, ayagoo sidoo kale si ba’anna u dhaawacay saddex kale.

Dablaydan oo goobtii ay falka ka geysteen ka baxsaday ayay booliisku ku raad joogaan sida ay sheegeen laamaha nabad-galyada Faransiisku. Shaqaaqadan ayaana ka dhacay meel u dhow goob cashuuraha laga qaado oo ku taal degmada Incarville.

Sida ay saraakiishu xaqiijiyeen gaari madow oo noociisu ahaa Peugeot 5008 ayaa jiiray baabuur booliisku leeyahay oo siday maxbuus lagu magacaabo “Maxamed Amra” , kaas oo sida la sheegay ahaa nin daroogo ka ganacsan jiray, isla markaana uu ku lug lahaa dambiyo kale.


Booliska Faransiiska ayaa sheegay inay heleen laba baabuur oo gubtay oo ay isticmaalayeen kooxihii weerarka geystay, Dhibanayaashun waxay ahaayeen saraakiishii xabsiga ugu horreysay ee lagu dilo iyaga oo gudanaya waajibaadkooda tan iyo 1992-kii, sida uu tibaaxay wasiirka cadaaladda dalkaas Eric Dupond-Moretti.