U bood dhigaalka

Tiro Dad ah oo Geeriyootay Shil Gaari oo Ka Dhacay Gobolka Florida ee Dalka Mareykanka

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay gobolka florida ee dalka maraykanka kadib markii ay isku dhaceen bas ay la socdeen dad beeralay ah iyo gaari kale, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Baska ayaa siday 53 qof oo shaqaale beeraleeya ah markii uu ku dhacay baabuurka degmada Marion ee waqooyiga Orlando subaxnimadii Talaadada, sida ay sheegeen ciidanka ilaalada waddooyinka Florida.

“Ilaa 40 rakaab ah ayaa loo qaaday isbitaalada, kuwaasoo qaba dhaawacyo fudfudud” ayuu yiri James Lucas, oo ah sarkaalka warfaafinta u qaabilsan Badbaadinta Dabka ee Degmada Marion.

Shaqaaluhu waxay u socdeen inay xabxab ama qare ka soo qaataan beeraha Cannon Farms ee deegaanka Dunnellon oo ah dhul beereed ku yaal Degmada Marion.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in baska uu ka baxay waddo, islamarkaana uu ku dhacay meel xayndaab ah, uuna dhinac ka galay meel bannaan ah.