U bood dhigaalka

Ciidanka Danab oo Gargaar Daawo ah Gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo

Ciidanka Kumandooska Danab xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saxiibada cidanka mareykanka ayaa Gargaar Gaarsiyay Isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo ee dowlad gobolleedka Jubbaland.

Ururka 162’aad Guutada 16’aad Kumandoska Danab Xoogga Dalka iyo saxiibada Caalamiga ah, gaar ahaan ciidanka Mareykanka ayaa gargaar daawo ah Gaarsiyey Isbitaalka guud ee Magaalada kismaayo, ayagoo ku wareejiyay maamulka Isbitaalka.

Daawooyinkan ayaa Looga tala-galay in lagu caawiyo Shacabka Somaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo iyo kuwo ka yimaada deegaanada ku dhow dhow ee adeegga caafimaad u soo doonta.

In ciidanku ay gacanna ku dagaalamayaan, gacanna dadkooda ku caawinayaan ayaa u muuqata mid xoojinaysa kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan ciidanka Qaranka.