U bood dhigaalka

Ruto iyo Biden oo Kulmay iyo Qodobada ay Ka Wada Hadlayaan

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo muddo 15 sano ah booqasho rasmi ah ku taga dalka Mareykanka.


William Ruto ayaa hadda kulan kula jira madaxweynaha Madaxweynaha, waxa ay ka wada hadlayaan iskaashiga qaarada.

Tani waxay fursad u tahay Madaxweyne Joe Biden inuu muujiyo sida ay uga go’an tahay Afrika xilli ay Washington u muuqato in ay sare u qaadayso doorkeeda Afrika.


Madaxweynaha ayaa sheegay in tani ay ballaarin doonto fursadaha isla markaana ay wax ka bedeli doonto nolosha Kenya iyo sidoo kale Afrika oo dhan.


“Ma jiro wax iskaashi ah oo qiimo leh sida mid ku xiran tignoolajiyada,” ayuu yiri,Ruto
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale waxa uu la kulmay Afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka Mike Johnson.


Wuxuu ku celceliyay iskaashiga Kenya iyo Mareykanka, wuxuuna rajo ka muujiyay in xiriir xooggan iyo iskaashi ay la yeeshaan Mareykanka xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada amni darrada, gaar ahaan Geeska Afrika.

Waxa kale oo uu wadahadal la yeeshay Senatarrada Maraykanka oo uu hoggaaminayo hoggaamiyaha aqlabiyadda Senator Chuck Schumer iyo hoggaamiyaha laga tirada badan yahay Senator Mitch McConnell.

Madaxweynaha waxaa loo aqoonsaday Xubin Sharafeedka Koongareeska Black Caucus (CBC).