U bood dhigaalka

Dood Ku Saabsan Nidaamka Difaaca Hawada oo Ka Dhex Bilaabatay Dalalka Yurub

Poland iyo Giriiga , ayaa si wadajir ah warqad ugu diray Golaha Midowga Yurub, iyagoo u sheegaya inay u baahanyihiin nidaamka difaaca hawada.

Waxa ay sababta ku sheegeen weerarka iyo hubka Ruushka oo xilli walba soo gaari karo , sida ay sheegeen Ra’iisul wasaaraha Poland, Donald Tusk iyo dhiggiisa Giriiga, Kyriakos Mitsotakis.

“Yurub waxa ay ahaan doonaan ammaan inta cirku nabdoon yahay,” ayaa lagu yiri warqadda, iyadoo lagu qeexay baahida loo qabo nidaamka difaaca hawada Yurub si loo ilaaliyo hawada guud ee ka dhanka ah khataraha sida diyaaradaha, gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Duullaanka Ruushka ee Ukraine waxa uu Midowga Yurub ku dhiirigaliyay in uu sare u qaado dadaallada difaaca ee wadajirka ah iyo in uu bixiyo gargaar milatari oo dheeraad ah, oo ay ku jiraan difaaca hawada, Ukraine.

Difaaca Yurub waxay si cad u muujin doontaa midnimada Yurub iyo xallinta is-difaaca, sida ay qabaan hoggaamiyeyaasha.

Waqtigan xaadirka ah, Jarmalku wuxuu hogaamiyaa Hindisaha Sky Shield ee Yurub, kaas oo ujeedadiisu tahay in si wadajir ah loo soo iibiyo nidaamyada difaaca hawada ee Jarmalka, Maraykanka iyo Israel.

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ku baaqay dadaalada difaaca wadajirka ah si looga wada hadlo shirmadaxeedka soo socda ee Midowga Yurub dhamaadka bisha June.