U bood dhigaalka

Ugu Yaraan 14 Qof oo Geeriyootay Dab Ka Kacay Dalka Vietnam

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku naf waayay, qaar kalena way ku dhaawacmeen dab xooggan oo ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla caasimadda dalka Vietnam ee Hanoi sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Dabka ayaa ka kacay dhismo shan dabaq ah oo ku yaalla bartamaha degmada ee Cau Giay ee magaalada Hanoi saacadu markay ahayd 12:30 habeennimo amminta maxalliga ah, wuxuuna mid aad u baaxad weyn oo qaraxyo badan sameeyay.

Wakaaladda Wararka Vietnam (VNA) ayaa ka soo xigatay wasaaradda amniga Dadweynaha ee Vietnam in kooxaha dabdamisku ay ka soo badbaadiyeen 7 qof dhismaha ka dib markii uu dab qabsaday.

Dabka ayaa la rumeysan yahay inuu ka kacay barxadda u dhexeysa laba dhisme oo lagu iibiyo laguna dayactiro baaskiillada korontadda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda maamusho ee VnExpress.

Sawirro laga soo qaaday guriga ayaa muujinaya alaab gubtay oo yaalay barxadda dhismaha iyo gudaha dabaqa koowaad ee dabku ka kacay.

Si kastaba ha ahaatee waxa dabkan baaxadda leh sababay ayaan illaa haatan caddayn, dowladduna faahfaahin dhammaystiran kama bixin.