U bood dhigaalka

Dowladda Chile oo Xabsiga Dhigtay Rag Lagu Eedeeyay Ku Luglahaanshiyaha Dab Dhimasho Sababay

Dowladda Chile ayaa xirtay kamid ah kooxda dab-damiska iyo sarkaal ka tirsan waaxda kaymaha, iyagoo looga shakiyay inay bilaabeen dab ay ku dhinteen 137 qof oo ka kacay magaalada loo dalxiis tago ee Vina del Mar bishii February.

“Waxaa maanta la soo saaray amar qabasho oo ka dhan ah qofkii bilaabay dabka bishii Febraayo ee gobolka Valparaiso, halkaas oo Vina del Mar ay ku taal” ayuu yiri agaasimaha booliska Eduardo Cerna.

Wax yar ka dib xafiiska xeer ilaaliyaha gobolka Valparaiso ayaa xaqiijiyay qabashada sarkaal ka tirsan Hay’adda Qaranka Kaymaha (Conaf), oo ah hay’adda ka mas’uulka ah la dagaallanka dabka kaymaha iyo maaraynta beeraha qaranka.

Labada nin ayaa xabsiga lagu sii hayn doonaa, iyadoo lagu eedeeyay in ay ku luglahaayeen dhowr dab oo isku mar ka kacay 2-dii Febraayo agagaarka magaalo xeebeedka Vina del Mar, kuwaas oo sababay dhimasho badan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dab-demiska ka tirsani uu yahay nin 22 jir ah oo ugu biiray ciidanka si iskaa wax u qabso ah sanad iyo bar ka hor.

Si kastaba ha ahaatee labada nin ayaa wajahaya dacwado culus oo haddii lagu helo ay mutaysan karaan dhowr sano oo xabsi ah.