U bood dhigaalka

Hoggaan Falastiin oo Shaaciyay iney Kordhi Doonaan Dalalka Reer Yurub ee Aqoonsaya Dowladnimadooda

Ra’iisul wasaaraha Falastiin ayaa sheegay in dalalka reer yurub ee aqoonsanaya dowladnimadoodu ay dhowaan aad u kordhi doonaan, islamarkaana taasi ay tahay wadada keliya ee xal nabadeed lagu heli karo.

shir jaraa’id oo ay magaalada Brussels si wadajir ah ugu qabteen wasiirka arrimaha dibadda dalka Spain Jose Manuel Albarez ayuu Ra’iisul Wasaare Mustafa ku sheegay in tirada dalalka Yurub ee Falastiin dowladda u aqoonsanayashi ay labanlaabmi doonaan mustaqbalka dhow.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka aan weli aqoonsan dowladda Falastiin inay ku soo biiraan hindisaha ka bilowday yurub oo ay hormuudka u yihiin Spain, Norway, iyoIreland, isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaraan xaaladda Falastiin, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo lagu joojinayo cadaalad-darrada lagu hayo shacabka reer Falastiin.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dabayaaqada todobaadkii la soo dhaafay ay Spain,Norway, iyo Ireland ku dhawaaqeen inay Falastiin aqoonsadeen, sidoo kalena dowladda Colombia ay sheegtay inay safaaradda ka furanayso dhulka falastiin.