U bood dhigaalka

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya oo Shirweynaha Caafimaadka Xanaanada Xoolaha Uga Qeybgalay Magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Hussein Mohamed (Eelaay) ayaa Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska kaga qeyb galay Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Xoolaha Aduunka oo ka dhacay Paris.

Shirkan oo ah kii 91-aad islamarkaana kusoo aadey 100 sano guurada Hay’adda ayaa lagu gorfeeyey sidii loo tayeyn lahaa Caafimaadka Xoolaha ee halbeegyada la xiriira badqabka cuntada laga helo xoolaha.

Sanadkan shirku waxa uu xooga saaraaya heerarka tayada ee ka faa’ideysiga wax-soo saarka Xoolaha kuwaaso mudnaan tayo u lahaa dalkeenna.

Madaxda ka qeyb gashay oo ka kala socday dhammaan qaaradaha adduunka ayaa isku raacay muhiimadda ay adduunka ugu jirto kobaca caafimaadka xoolaha oo hadii aan laga shaqeyn dhaawaceysa caafimaadka guud ee bulshada, ganacsiga iyo dhaqaalaha qooysaska.