U bood dhigaalka

Maxaa Sababa Iney Dhallintu Ku Qabatoomaan Maandooriyaha iyo Sideese Looga Horagi Karaa?

Maandooriyaha ama balwaddu garaadka qofka saameysa ayaa kamid ah dhibaatooyinka haysta bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, waxaana la rumeysan yahay inay kaalin weyn ku leedahay saboolnimada qotsaska iyo nabad-galyo xumada meelaha qaar ka jirta.

Dood uu dhowaan qabtay TV-ga Goobjoog oo ku saabsanayd dhibaatada maandooriyaha ayaa waxaa ka qeyb-galay xeeldheereyaal caafimaad, xubo arrimaha bulshada u ololeeya, iyo culumo aw diin, waxayna dhammaan qireen in maandooriyuhu uu kamid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee haysta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Siyaabaha ay dhallinyaradu ku qabatimi karaan balwada ayaa u badan kuwo dayaca iyo daryeel xumada carruurta ka dhasha, sidoo kale saaxiibada xun xun, isticmaalka waalidka ee maandooriyaha, iyo la’aanta xeerar adag oo lagu xakameeyo ayaa ayaguna horseedi kara in da’yarta badani ay bartaan balwad sida ay khubarsdu sheegeen.

Maandooriyaha Laga isticmaalo Soomaaliya oo isugu jira qaadka, qamriga, sigaarka, kaniiniyaasha qaarkood, cirbadu laysku duro, calaqa iyo kuwo kale ayaa keena dhibaatooyin badan oo bulshada waxyeello u geysta, waxaana ku baxa malaayiin doolar oo haddii dhanka hormarka loo adeegsan lahaa wax badan laga faa’iidi lahaa.

Xeeldheereyaasha doodda ka qeyb-galay ayaa tilmaamay in aanfada maandooriyaha looga hortagi ka karo wacyi-gelin dhallinyarada loo sameeyo, barbaarin toosan iyo adeeg waxbarasho oo ay carruurtu wada heli karto, iyo sameynta sharciyo lagu xakamaynayo soo gelidda maandooriyaha ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee maandooriyaha ayaa ah dhibaato ay Soomaalidoo dhami halisteeda ku baraarugsanyihiin, haddana aan weli xal loo helin.